7 ARRIMOOD OO DHAKHSO KUU KOBCINAYA.

 7 ARRIMOOD OO DHAKHSO KUU KOBCINAYA.



In uu qofku si joogta ah u kobco waxa ay ka caawinaysaa in uu gaaro horumarro tiro badan, kobacaas oo soo dhakhsadana waa mar kasta oo uu dhanka horumarkaas iyo guulaha la imaanaya uu u sii dhawaanayo. Haddaba, maxaa deddejin kara in aad si dhakhso iyo degdeg ah u cobocdo? Waa kuwan ilaa todoba qodob oo aan soo xulay:


1. U DHAWAANSHAHA EEBBE.

Alle la’aantii wax kuu hagaagi doona ma jirayo, si inta kuu qaddaran aad si wanaagsan oo Alle raali kaaga yahay, adiguna aad ku qanacsan tahay u hesho, waa in aad Eebbe u dhowdahay.


2. TOOSIDDA XILLI HORE.

Qof salaadda subax hurdo la dhaaftay ―haddii aannu jirranayn― ee raalida ka ah, waxaan dhihi karaa waa qof iska nool, oo aan welwel ka hayn meesha berri uu joogi doono iyo howlaha ka danbeeya.


3. CUNISTA INTA CAAFIMAADKA LAGA DHEEFAYO.

Jirka caafimaadka qaba ayaa maanka fiyow ku rakiban yahay. Sidaas owgeed koboca oo uu caafimaad ka horreeyo, waa koboc aan lagu khasaarin, miro macaanna dhali doona. In berri ka maalin jirkaagu kuu mahadcelinayana waa hubaal.


4. KA DHEERAANTA KUWA NIYADJABKA BADAN.

Yool kasta oo aad rajaynayso xaqiijintiisa, hiigsi walba oo aad u dhididayso, iyo rajo kasta oo aad nolosha ka leedahay, waa kuwa kaaga dheerayn kara hal eray oo aadan qacda horeba ku baraarugayn saameyntiisa. Ka dheerow dadka caynkaas ah inta aad iska gaari karto, waayo waxaa jiro doona xilli ay dhibaatadii gaysteen oo xitaa haddii aad ka deeraato aysan saameyn lahayn. In inta qashinku kuu jiro aad u jirsatana waa iga talo.


5. U KUURGELIDA OGAANTA MEELAHA AAD KU FIICAN TAHAY.

Koox walba oo dad ah oo madal is kugu yimaada, midba xirfad iyo howl uu gaar la yahaa jirta, qof walba wax loogu soo hagaago iyo meel aan looga aqoon badin ayaa jirta. Haddaba xirfad walba oo aad leedahay iyo wax kasta oo aad qayrkaa ku dhaanto waa in aad baartaa oo marka loo baahdo aad adigu booskaa buuxin kartaa.


6. LA GAAR NOQOSHADA NAFTAADA.

Adduunkan maalinba maalinta ka danbeysa mashquulka daran la sii galayo, waxaa khasab ah in uu jiro waqtiga aad leedahay, waqti aad naftaada la qaadanayso, waxa aad ku faraxsan tahayna sameynayso. Watigaas oo qofna saameyn ku yeelan karin, wax kasta oo dhacana aan lagaa qasin doonin.


7. DIIWAANGELINTA YOOLASHAADA WAAWEYN IYO XAQIIJINTOODA.

Yool aan qornaynni waa iska riyo. Sidaas owgeed meel kasta oo aad gaaristeeda maalin rajaynayso, yool kasta oo ay naftu ku qanacday in aad ayaan xaqiijiso, waa in aad diiwaan u sameysaa. Mana aha in ay diiwaankaas iska buuxisee, waa in aad fulin ku bilowdaa, si natiijo ku dhiirriggelisa uga soo baxdo.


Ugu danbeyn, u noolaanta qaab miisaaman, aad raali ka tahay in aad adiga xakameynayso, wax soosaarna leh, waxay kobcin doontaa kalsoonida aad naftaada ku qabto. Waqti aan dheereyna waxaa gaari doontaa wax kasta oo maanta kuu sawirran.


Nabad ku waara.


Yoonis Baarri


Comments

Popular posts from this blog

Faa'iidooyinka Caafimaad Ee Ku Duugan #Basasha