Faa'iidooyinka Caafimaad Ee Ku Duugan #Basasha
.TAXANAHA CAAFIMAADKA. Cilmi-baadhisyo badan ayaa banaanka soo dhigay in cunista basasha faa'iido badan oo caafimaad ku lammaan yihiin, inkastoo ay qadhmuunayso urta afka, haddana waxay daraasadahaasi soo jeediyeen in qofku ka cuno xaddi ku filan, sidaa daraadeed haddii aanu qofku hore u cuni jirin basasha, waxa hubaal ah inuu cuni doono, hadduu akhriyo faa’iidooyinka soo socda. 1: Waxa ay daawo u tahay xannuunada fudud ee wadnaha: Basashu waxay daawo ka-hortag ah u tahay xannuunada fudud ee wadnaha, cilmi-baadhisyo la sameeyeyna waxay iftiimiyeen in maadada la yidhaahdo Antioxidant Quercentin oo basasha laga helo ay qofka ka caawiso inuu iska saaro waxyaabaha sababa xannuunada sahlan ee wadnaha ku dhaca. 2: Waxay ka shaqaysiisaa hab-dhiska difaaca (Immunity): Maadada Phytochemicals ee laga helo basasha waxay jidhka ku badisaa Vitamin C, kaasoo u wanaagsan hab-dhiska difaaca cudurrada ee jirka, qofka basal dheellitiran cunana oo cuntada ku darsada waxa uu si fiican isaga di...

Comments
Post a Comment