Cashar Nololeed


Talada waayoaraggu muhiim bay u tahay noloshaada, laakiin ha u qaadan in ay noqonayso dawadii ugu dambaysay ee caqabadaha adiga ku haysta. Mar kasta xasuusnoow in qofka talada ku siinaya uu jawaabihiisa ku salaynayo waayoaragnimada iyo casharrada uu ka soo bartay noloshiisa, marka ay sidaas tahayna ha illaawin in marar badan aanay suurtagal ahayn in taladii isaga anfacday ay adigana kugu habboonaato.

Arrimahaaga u talo badso, laakiin talada lagu siiyo ha u qaadan xal kama dambays ah.

Comments

Popular posts from this blog

Faa'iidooyinka Caafimaad Ee Ku Duugan #Basasha