Ilham Aliev


Madaxweynaha Azerbejaan Ilham Aliyev ayaa Warbaahinta Reer galbeedku marar badan oo ay waraysteen waxay ku eedeeyeen in wadankiisa Xoriyaul qowl ka jirin ,dadkana aan loo ogolayn inay si xor u ah u hadlaaan.

Madaxweyne aliyev isaguna mar kasta wuxuu markasta tusaale usoo qaadan jirey ninkii fashilay Sirtii maraykanka ahna aasaasihii WikiLeaks,wuxuuna marar badan ku jawaabay sidan.

 " Mee Julian assange ? Hadii Galbeedka Xoriyad hadal ka jiro maxay maraykanku u baacsanayaan Julian asange oo ay u doonayaan in loo soo gacan geliyo ,sababtoo ah isagu wax uu dhibsaday ayuu ka hadlay,haday run idinka tahay Xoriyad hadal ninkaas faraha ka qaada,ileen wuu hadlay keliyee "

Wasiirka Arrimaha Gudaha Britain ayaa maanta saxiixay in Julian assange asaasihii WikiLeaks loo gacan geliyo maraykanka,waxaana la geyn doonaa Virginia si uu u wajaho eedaymo basaasnimo taasoo keeni karta in lagu xukumo xabsi gaaraya 175 sano .

Xaaska Julian assange oo la yiraahdo Stella ayaa sheegtay in ninkeedu uu wacad ku maray inuu is dili doono haddii loo gacangeliyo Maraykanka.

Ninkan ayaa mudooyinkii dambe ku xirnaa xabsiga Belmarsh ee magaalada London kaddib markii laga soo saaray Safaaradda Ecuador oo uu ku noolaa tan iyo 2012-kii.

Julian assange ayaa Dunida ka waayay meel isku aamino iyo dal magan geliya tan iyo markii uu faafiyey sirta marayaknka.

Gudi sharci oo ay samaysay Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyey in Julian Assange, loo ogolaado xorriyadiisa isla markaana magdhow laga siiyo xorriyadii laga qaaday.

Lknse dawladda Britain ayaa sheegtay in warbixinta gudigu khaldan tahay oo aanay aqbalayn, Wasiirka arrimaha dibedda britain ayaa sheegay in fikirka gudiga uu yahay mid lagu qoslo, Julian Assange-na uu yahay nin baxsad ka ah cadaalada.

Comments

Popular posts from this blog

Faa'iidooyinka Caafimaad Ee Ku Duugan #Basasha