Iska eeg astaamahan


1. Ma tihid qof afkiisa haysan kara, haddii sir lagugu aaminay, aad adiguna kusii aaminayso qof kale.

2. Ma tihid qof u diyaara barashada casharada nolosha, haddii qof kasta oo kaa aragti duwani uu kuula muuqdo caddow.

3. Ma tihid qof wax dhagaysan kara, haddii aad kaliya u dhagaysanayso innaad markaaga hadasho.

4. Ma tihid qof dulqaad leh, haddii aannad siin karin wakhti aad ku sugto waxyaabaha aad xooga u jeceshahay.

5. Ma tihid qof adkaysi leh, haddii aad dhibsanayso wax kasta oo xiliga iyo qadarkuba keenaan.

6. Uma qalantid in lagu amaano, haddii kaliya aad wax u qabanayso halagu amaano.

7. Ma tihid qof naxariis leh, haddii aannad u damqan karayn qof aannay waxba idinka dhaxayn, laakiin agtaada ku dhibaataysan. 

8. Doodaha waaweyn kama qayb geli kartid, haddii ay ku dhibayaan muranada maalinlaha ahi.

9. Ma tihid qof loo xiisi karo maqnaanshihiisa, haddii aannad raad ku reebi karin qalbiyada dadka xiliga aad la joogto.

10. Uma qalantid in lagu jeclaado, haddii aannad dareemi karin xannuunka uu kuu murayo qofka ku jeceli.

Imisa astaamood ayaad iska heshay?

W/Q: Maxamed Faysal Cali

Comments

Popular posts from this blog

Faa'iidooyinka Caafimaad Ee Ku Duugan #Basasha