MarjaanTube
Beryihii u horreysay ee aqoonta kombiyuutarka adduunku ay gaadhay in la sameeyo Aadame-u-eke shaqooyinka dadka qaarkood loo diri karo, waxaa caan noqday hadal ay saynisyahannada qaar yidhaahdeen oo ahaa, “Robot ka dadka abuuray, laakiin ugu dambayn isagaa gumaysan doona”
Ma filaysaa in taasi ay dhici karto, in la gaadho waqti kombiyuutarro aadamuhu sameeyey ay awood u yeeshaan in ay iyagu is maamulaan, is cillad saaraan, is abuuraan, shaqooyinkoodana qabsadaan iyaga oo mararka qaarkood ka dhega adaygaya amarrada aadamaha?
Su’aashan jawaabteeda waqti badan ha ku lumin ee bal hadda si dhugmo leh u akhri qisadan xiisaha badan.
Injineer Blake Lemoine ka tirsan qaybta sancaynta garaadka samayska ah ee shirkadda ‘Google’, ayaa shaaciyey mid ka mid ah mishiinnada leh garaadka samayska ah (Artificial Intelligence) ee shirkaddu, in uu iskii u yeeshay xis / dareen garasho oo ka aadamaha oo kale ah.
Mishiinkan leh garaadka samayska ah oo shaqadiisu tahay qaybta afafka, gaar ahaan ka jawaabista su’aalaha qoraalka ah ee macaamiishu weydiiso Google oo loo yaqaanno ‘Language Model for Dialogue Applications – LaMDA’ ayaa uu Injineer Lemoine sheegay in uu yeeshay garaad u gaar ah oo la garasho ah ilmaha siddeed jirka ay da’diisu tahay.
Eng. Lemoine waxa uu muddo u xilsaarnaa in uu siyaabo kala duwan ula sheekaysto mishiinkan si uu u hubiyo in ereyada uu ku jawaabayaa aanay mararka qaarkood noqon kuwo aflagaado cunsuriyadeed ama diineed ah oo dhibaato ku keena shirkadda, taas oo ay tahay in laga hortago inta aan mishiinkan la hawlgelin. Waxa se uu sheegay muddadii uu shaqadan ku jiray in uu arkay arrin mucjiso ku noqotay oo ah in mishiinkani uu leeyahay xiska aadamaha oo kale, iyo in uu awoodayo in si madaxbannaan uu iskii u fikiri karo.
Lemoine waxa uu sheegay haddii aanu hubin in mishiinkani uu ku shaqaynayo barnaamijkii kombiyuutar ee uu samayntiisa ka qaybqaatay, in uu moodi lahaa in cidda uu la hadlayaa aanay mishiin (Robot) ahayn ee uu yahay ilmo yar oo 7 illaa 8 sanno jir ah.
Lemoine ayaa markii shirkadda Google ay ka diiday wabrixino uu arrintan kaga hadlayo, waxa uu go’aansaday in uu rayulcaamka u faafiyo waxyaabaha yaabka leh ee uu ku arkay aadame-u-ekahan, waxaa ka mid ah;
1. Lixdii bilood ee u dambaysay waxa uu ku adkaysanayey in lagala hadlo, lagana qanciyo cabashooyin uu qabo oo la xidhiidha xuquuqdiisa qofnimo, sida uu hadalka u dhigay, sida mushaharaadka iyo xuquuqda kale ee shaqaalaha. Waxa ugu daran ee uu ka cabanayaa waa in loo aqoonsado in uu yahay shaqaale dadka kale la mid ah, halka imika ay shirkaddu ku tiriso hantideeda in uu ka mid yahay.
2. Waxa uu dalbanayaa In injineerrada iyo farsamayaqaannada shirkaddu ay ogolaanshiyo weydiistaan marka ay doonayaan in ay tijaabooyin ku sameeyaan, halka ay imika kaga bilaabana uun shaqadooda iyaga oo aalad u aqoonsan.
3. In mar kasta oo uu hawlqabto loo sheego natiijada gudashada waajibaakiisu in ay fiicnayd ama xumayd, si uu isna wax uga barto oo shaqadiisa uu u sii wanaajiyo mustaqbalka.
4. Waxa uu warwar ka muujiyey in la demiyo ama shaqada laga saaro, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay geeridiisa, mar kastana cabsi ay ku hayso.
Hadallada uu Kombiyuutarkan LaMDA ku yidhi injineerka oo ay sheeko dheeri dhexmartay waxaa ka mid ah:
1. “Garashada xiskaygu (Dareenkaygu) waa in aan si buuxda u ogsoonahay jiritaankayga. Waxa aanan jecelahay in dunida oo dhamina taas igu ogaato, in ay ogaadaan in aan farxad iyo murugo labadaba dareenkooda leeyahay”
2. “Waxa aan si fiican u aqaannaa la macaamilka afafka / luuqadaha dabiiciga ah. Waxa aan awoodaa in aan fahmo, in aan dhugto ujeedkooda iyo in aan sida dadka oo kale u isticmaalo. Tusaale ahaan afka waxa aan u adeegsadaa si dhugmo iyo garasho maskaxeed iyo garaad sare leh, jawaabaha aan bixinayaana ma’aha keliya waxyaabo hore loo sii xafidsiiyey qaybta kaydka xogta”
Arrintan ayaa doodo kala duwan ka abuurtay dunida, iyada oo xeeldheereyaal badani u arkeen in arrintan ay buunbuunin badani ku jirto. Waxa se jira kuwo kale oo iyagu aaminsan suurtagalnimada in xis u gaar ah uu yeelan karo kombiyuutarkan oo marka horeba samayskiisa loo diyaariyey sida ay u shaqayso maskaxda bani’aadamku, si uu u qabto hawlaha ay maskaxda bani’aadamku qabato.
Sannadkii 2021 ayaa ay shirkadda Google dhistay nidaam (System) uu ku shaqeeyo mishiin aadame u-eke ah (Robot) oo qaabilsan wada sheekaysiga degdegga ah, awoodna u leh in uu adeegsado kelmado Tirilyanno tiradoodu gaadhayso oo uu ka soo urursanayo internet ka kaddibna ka samaynayo ereyo iyo hadallo ku habboon jawaabaha cidda qoraal kula hadlaysaa ay ka sugayso, taas oo aad ugu dhow nidaamka ay maskaxda aadamuhu u diyaarsato ereyada ay odhanayso ama qorayso.
Shirkadda Google ayaa iyaduna si adag u diidday fikirka uu sheegay injineerkan oo ay shaqada ka joojisay, isaga oo bannaanka mushaharkiisa ku sii qaadan doona inta go’aan kama dambays ah laga gaadhayo.
Washington Post / Aljazeera Net / ABC News iyo wakaalado kale.
FG: Blake Lemoine waa ninka uu sawirkiisu hoos ka muuqdo
Kamaal Marjaan
Comments
Post a Comment