Prof Abdi Is mailing Samatar
Marka hore, waxa uu Samatar ka hadlay mar isaga oo arday ka ah jaamacad ku taalla Maraykanka uu macallinkiisi waydiiyey “xaggeebaad ka timid” ka dibna uu ku yidhi “Soomaaliya”. Maalmo ka dib ayuu macallinki ku soo laabtay, waxaanu ku yidhi “waxaan yara baadhay Encyclopedia, waxaan soo ogaaday laba xaqiiqo oo Soomaalida ku saabsan: Soomaalidu waa adeegeyaal wanaagsan iyo beenaaleyaal!”. Samatar waxa uu sheegay in uu warkaas anfariir ka qaaday. ‘Waxan yaa qoray’ ayuu is waydiiyay. Meelahaas ayuu ka bilaabmay dareenka Samatar ee ku aaddan sida iyo qaabka wax looga qoro Soomaaliya.
Samatar buuggiisan, waxa uu daadifaynayaa in dhibaatada Soomaalidu ay tahay ‘qabiilka ama abtirsiimada’, waxaanu dooddiisa ku difaacayaa in dhibaatadu ay tahay ‘hoggaan xumo’. Waxa uu dooddaas markhaati uga doonayaa sooyaalka taariikheed ee dawladnimada Soomaalida. Sidaasidaraaddeed, Samatar, waxa uu buugga si adag u eedaynayaa aragtiyaha ku saabsan dadka Soomaalida ah ee uu faafiyay I.M. Lewis. Ka dibna waxa uu daadifaynayaa dadkii iyo hay’adihii cilmibaadhiseed ee aragtida Lewis ku qancay ee sii qaaday ee ay ka mid ahaayeen Matt Bryden (1999), Hellander (1998), Bradburry (2008), International Crisis Group (2006), Menkhaus (2006) iyo Mary Harper (2012) oo dhammaantood salka dhibaatada Soomaalida ku tilmaamay ‘qabiilka’. Waxa uu si adag u diidayaa sida ay reer galbeedka iyo aqoonyahankoodu wax uga qoraan arrimaha Soomaaliya, waxaanu ayidayaa in qoraalladaasu yihiin wixii mar dhexe loo bixiyay ‘Caddaan Studies’, loona baahanyahay in aqoonyahanka Soomaaliga ahi uu indho kale iyo adduun-arag kale ku eego dhibaatooyinka Soomaaliya iyo xalkooda.
Waxa uu buugga si aad u faahfaahsan ugaga warramayaa dawladihii Soomaalida ee ilaa 1960kii. Waxa uuu laba qaybood u qaybinayaa hoggaankii dawladda Soomaalida: qolo adduun-araggoodu wanaagsanaa oo u heellanaa in dawladnimo caddaalad iyo karti ku dhisan la abuuro iyo qolooyin awoodda, lacagta iyo muuqashada shakhsiga ahi ay kala weynayd wax walba. Waxa uu taariikhda ka doonayaa tusaaleyaal muujinaaya sida laaluushka, danaysiga iyo damaca shakhsiga ahi uu ugu dhex baahay dawladdihii rayidka ahaa ee Soomaalida, taas oo ugu dambayntii keentay in la inqilaabo. Waxa uu Samatar ka hadlayaa sababihii keeney in dalka Kacaanku la wareego oo waliba shacabku soo dhaweeyaan. Waxa uu eedaha ugu culus u jeedinayaa siyaasiyiintii Soomaalida ee xilligaas joogay oo badankoodu ku mashquulsanaa xil, lacag iyo laaluush, taas oo keentay in dadku ka niyad jabaan hoggaankooda. Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa qaar ka mid ah gabayadii Cabdillaahi Suldaan Timocadde.
Samatar, waxa uu ku doodayaa in ‘siyaasiyiinta qawlaysatada’ iyo ‘silic-ku-naaxyada kale ee danlayda ah’ oo meel xun dhigay danihii iyo dawladnimadii Soomaaliya, ay markii dambe keentay in Soomaaliya loogu yeedho in ay tahay ‘Ceebtii Afrika’. Samatar waxa uu xoojinyaa in salka ceebtani tahay hoggaanka fashilmay, balse aanay ahayn 'qabiilka iyo abtirsiinta'. Haddaba, si uu dooddiisa markhaati dhaw ugu sameeyo waxa uu soo qaatay laba arrimood oo sannadihii ugu dambeeyey dhacay:
1. Aniga (Prof. Cabdi Samatar) iyo Prof. Axmed Samatar, waxaanu nahay walaalo, balse doodaha Soomaaliya hadda waanu ku kala aragti duwanahay. Sidaasidadaarreed, haddii wax walba ‘qabiilka iyo abtirsiintu’ ay jaangoyso, aniga iyo walaalkay wax walba isku aragti ayaanu ka noqon lahayn.
2. Dr. Cali Ciise ayaa maamulka Puntland isaga soo sharraxay xil Madaxweynenimo sannadkii 2019kii. Si ka duwan dadkii kale ee xilka doonaayay, Dr. Cali Ciise waxa uu diiday in uu lacag laaluush ah bixiyo, taasina waxay keentay in dhammaan 13kii Xildhibaan ee beeshiisa hoose ay codkooda siiyaan ciddii lacagta siisay, isagana ay siin waayaan. Haddii markaa ‘abtirsiintu’ halkan muhiim tahay, waxay codkooda siin lahaayeen Dr. Cali Ciise. Waxa muhiimka ahi ‘abtirsiinta’ maaha, balse waa ‘lacagta’.
Samatar, waxa uu si aad u dhiirran uga hadlayaa doorkii culimada Soomaalida ee geeddisocodkii iyo noloshii ummadda. Waxa uu ka hadlayaa sababihii keeney in ay Xamar ka abuurmaan Midawgii Maxaakiimta Islaamka. Waxa uu si adag u dhaleecaynayaa duullaankii Itoobiya ee Soomaaliya oo Maraykanku uu maalgeliyay. Waxa uu dhagar-taariikheed ugu yeedhayaa kala-jabkii ku yimid Maxaakiimtii Islaamka. Waxa uu hoggaan xumo iyo karti la’aan ku eedeynayaa raggii kursiga qaatay ee dhalinyaradii dagaallamaayay iyo raggii furimaha dagaalka joogay ee Itoobiya dalka ka difaacay la tashan waayay ee cidlada kaga dhaqaaqay, ka dibna ay taasi keentay dagaalka ilaa maanta socda. Waxa uu tilmaamayaa in maanta hoggaan xumada iyo dabadhilifnimada siyaasiyiinta Soomaaliya ay keentay in Al Shabaab ay ku doodaan in ay difaacayaan dalka. Dhinaca kale, Samatar, waxa uu eedeynayaa qaar ka mid ah wadaaddada Soomaalida oo manaahiijtii Carbeed keenay Soomaaliya iyaga oo u arkay il dhaqaale, kuna dooriyay dhaqankii Islaamnimada iyo Soomaalinimada ku dhisnaa ee ay dadkani waligoodba lahaayeen ilaa ay gaadhsiiyeen in qaarkood dugsiyadooda ay ka mamnuucaan in lagu barto afka Soomaaliga iyo suugaanta Soomaalida.
Waxa uu qaybo buugga ka mid ah kaga hadlayaa sida ay u abuurmeen budhcad baddeeddii Soomaalida iyo sababihii keenay. Waxa uu dhaliilayaa in sida saxaafadda iyo aqoonyahanka galbeedku arrintaas uga hadleen ay tahay mid danahooda u adeegaysa balse aan ka turjumaynin xaqiiqooyinka gudaha ee Soomaaliya.
Samatar, buugga waxa uu kaga hadlayaa sida iskaashatada silic-ku-macaashka ah ee hay’adaha, safaaradaha reer galbeedka, lataliyeyaasha Soomaalida ah ee hay’adaha u shaqeeya iyo cilmibaadheyaasha wax ka qora Soomaaliya ay u buunbuuniyeen arrimaha qabiilka oo ay markii dambe u beddeleen ‘federalism’, taasina ay keentay in siyaasi xildoon ah, hay’ad macaash doon ah, odayaal koofiyad-bacleyaal ah iyo dawlado shisheeye oo danahooda ilaashanayaa ay ugu heshiiyeen in ay ka macaashaan silica ka jira Soomaaliya oo ay dhaqaale ka sameeyaan; taas oo natiijada ka dhalatay ay tahay dadka oo sii halaagsama iyo danta Soomaaliya oo hog madaw ku sii dhacda iyo silica oo sii dheeraada (Balkanization of Somali State).

Comments
Post a Comment