Sheeko Xiiso leh | Sheekooyinka jimcaha


Haweeney ayaa suuqa geysay gaadhi mercedes ah oo cusub, qiimaha ay rabto inay gaariga ku iibisana waa 1$ oo keliya.
Dadkii suuqa joogay badankoodu way iska indhatireen iyagoo u maleeya inay kaftan ka tahay.

Oday ayaa ku soo leexday oo gaarigii damcay inuu iibsado, wuxuu ka codsaday inay qiimaha ugu dambeeya u sheegto,
Waxay tiri "waa sidaad maqashay 1$ oo keliya ayaa ku iibinayaa gaariga!"
Halkii dollar ayuu siiyey iyadiina waxay ku wareejisay furihii gaariga.

Intuusan dhaqaaqin ayuu weydiiyey waxa ku kallifay inay gaarigan cusub hal dollar ku iibiso?

Waxay tiri: "waxaan fulinaayey dardaaranka ninkeygii geeriyooday!" 

Oo sidee ah ayuu haddana weydiiyey.

Waxay tiri: " Ninkeyga ayaa wuxuu qabay xaas qarsoodi ah, markuu dhimanaayey hantidiiisa oo dhan aniga ayuu ii saxiixay, marka laga reebo gaarigan oo uu u dardaarmay in la iibiyo lacagta laga helana la siiyo heblaayo oo uu qarsoodiga ku qabay!

Sidaas darteed halkaan dollar ayaan rabaa inaan iyada siiyo😁

  👁‍🗨 Jiindhe Media

Comments

Popular posts from this blog

Faa'iidooyinka Caafimaad Ee Ku Duugan #Basasha