Sida naftaada loogu dhiirigeliyo, iney maalin walba wax qorto!
Si kasta ba ha u doontid, inaad qoraa noqotid; si walba fikrad caaqiibo leh , madaxaaga ha ugu jirto, haddii aanad inta kursi ku fadhiisatid aanad wax qori karin, lagama yaabo in aad qoraa noqotid! Qoraagu wuxuu ku tamaa inuu maalin walba wax qoro. Marka uu u dhaqaaqo howshaasina, wuxuu la kulmaa caabin. Maxaa yeelay, naftu ma jecla halka yar ee raaxada leh, in laga kaxeeyo. Saaxiibbada sheekadooda macaan inta laga soo dhexgalo loona kaxeeyo xagaa kursiga iyo miiska. Marka ay intaasi dhacdo, waxa isku dhacaya adiga iyo naftaadii! Waxa maskaxdaadii ku furmayo buuq. Waxa aad isweyneysaa: maxa aan wax u qori laayahay? Maxa aan howshan u qaban kari laayahay? Weyddiimahaa badanina, waxa ay dab ku sii shidayaan qalbaagii. Waxa ay kugu abuurayaan kalsooni la'aan. Waxa ay kugu abuurayaan cabsi . Waxa ay kugu abuurayaan inaad kasoo maagtid adiga oo isdareensiinaya, inaan la qaban kareyn howshaa.
Waxaa intaa kuu dheer howlahaaga kale ee noloshaada. Dugsi ha dhigatid amma carruurtaada ha u xoogsatid. Haddaba, marka ay waxaas oo dhammi isasaaran yihiin ay tahayna in maalin walba wax la qoro, muxuu yahay xalku?
Waxa la yidhi, "wixii rag u kaco Rabbina aqbalo, wey rumoobaan". Waxa aan u baahanahey talo. Waxa aynu baahaney jid aynu marno. Sow sidaas maaha? "HAA", dheh! Ka maarsan meyso, inaan ku yidhaahdo: arrintan furdaaminteedu wax kale noqonmeyso aan ka aheyn in la sameysto DHAQAN! Dhaqankaasi oo ah in ayaantii Alle keenaba wax la qoro. Waan ku arkaayoo, waad yaaban tahay. Waxa aad ka amakaagsan tahey, marka aad maqashid weedha : maalin walba wax qor! Waan kuu jeedaa inaad hoos isku leedahay, yaa maalin walba wax qori karaya? Yaa maalin walba karaya waxaas?! Naftaadu wey ka yara dideysaa. Maskaxdaadu wey diideysaa, balse waan kuu ogahey waxaas oo dhan! Aan ku idhaahdo, naftu waa doqonoo ma taqaano danteeda. Abidkeed ba wey ka caaganaantaa, halka uu daarran yahey horumarkeedu! Warku ma kuu dhacey?
Aan soo dabaalo hadalkee, waxa ay inoo socotey sheekadu, sidii aynu u abuuri laheyn dhaqanka ah in maalin walba wax la qoro. Wey fududahay, waxa kaliya aad naftaada u sheegtaa iney 15 daqiiqo oo qudha wax qorto! 15 daqiiqo, miyay kugu badan tahey? Marka aad intaa naftaada u sheegto, waxaa kaa xiga inaad dhaqaaqdo. Inaad kursiga fadhiisatid. Inaad kombiyuutarka kala furtid, dabadeed aad qoraalka bilodid. Dhag..dhag.dhagdhag... waxaa lagayaabaa inaad shan iyo tobanka daqiiqo qawadid oo aad tidhaahdid: maaha wax weyn. 15-ka daqiiqo wey yar yihiin ee ka badi intaa. Xaasha! Ka badin maayo! Haddaba, ogow, waxaa ku duugan sir balaadhan. Shan iyo tobankaa daqiiqo, waxaa laga yaabaa inaad 200 boqol oo eray qortid amma ka badan. Marka aad maalin kasta intaa iyo in ka badanba qoreysid, 365-kii cisho immisa eray ayay noqonayaan? Bal fikir!
Arrintu marka ay halkaa mareyso, waxa aad arki doontaa adiga oo wax qoristii laqabatimay. Waxa ay kuu noqoneysaa balwad. 15-kii daqiiqo, waxa ay isku beddali doonaan 50 daqiiqo.
Waxa dhismi doona qoraalkaaga. Waxaa aad noqon doontaa qalin dahable ayna akhristayaashu ayna marna ku caajisin qoraalkiisa! Waxa aad ahaan doontaa mid wixii uu bilaabo dhammaystira ileen joogto ayaad wax u qoreysaaye. Bal eeg, 15-kii daqiiqo ayaad waxaas oo dheefa ku heshaye.
Ugu dambayntii, waxa aan ku leeyahay si aad u noqotid mid si maalinle ah wax u qora, ku bilow bilowgaa fudud waa 15-ka daqiiqo e'. Waxa aad ku gaadhi doontaa, inaad noqotid qoraa weyn. Inaad hamigaagii iyo halka aad hiigsaneysay ba gaadhid. Balenteenu waa ku bilow qoraalkaaga 15 daqiiqo. Akhriste, weyddiintan ayaan kaaga tagayaa, ma tijaabin kartaa 15-kan daqiiqo?
Qoraa, Maxamed Haybe Axmed.
Comments
Post a Comment