Talooyin kugu hayn kara suuqa sarifka lacaga qalaad (FOREX)..
Haddii aad rabtaan in aad Joogto suuqaan lacag uga samaysaan, Trade SL ku dhacayna uusan ku niyad jabin qaabkaan raac
Maanta kadib suuqaan waxaad kusoo gashaa qorshe ka Balaaran halka Trade ee aad markaas ku jirtidwriting_hand
Waxaad samaysataa Boosteejo 10 Trade ka kooban ama BUS 10 Station isku maraya waxaad qorataa 10-ka trade ee kuugu soo horeeya mid waalba inta aad lacag ku khasaari kartid, deedna waxaad sii qorataa mid walba 10-kaas trade Lot-kii aad la gali lahayd kaddib marka ay fursadu timaadowriting_hand
Qodobka ugu muhiimsan ayaa ah in aad sii ogtahay haddii 10-kaass Trade wada khasaaraan in uusaan Account-kaaga guban doonin si aad taas u xaqiijisidna ka hor inta aadan trade-ka u horeeyaba furin sii daji xisaabta trade walba inta uu lacag ahaan kaala bixi karo deedna adigoo og khatart kadib qorshaha guda galwriting_hand
waa muhiiim in xataa haddii 9-ka trade ee hore lagu khasaaro aadan ka istaagin kan 10-aadraised_hands
10-kaas trade markay dhamaadaan ayaa waxaa lagaa rabaa in aad dib ugu noqotid dhammaan tobankii trade deedna aad taxliilin qoto dheer ku samaysid mid walba iyo meeshii uu ku dambeeyay, si aad cashar uga barato, sababtoo ah Dab aad mar ku gubatay haddii aad ogtahhay meeshii uu kaa jiray mar labaad ku guban maysid, balse sababta aad mar walba u arkaysaan qof hal khalad oo isku mid ah mar walba ku dhacaya waa in qofkaasi uusan ogayn ama aysan u qornaynba in uu khaladkaan horay usoo galaywhite_check_mark
dhowrr bilood marka aad Routine- noocaan ah aad wadid ugu dambaynta waxaad arki doontaa adiga oo aan dib dambe Trade uga cabsan dooninwriting_hand
Waxaa xusid mudan haddii aad Suuqa oo dhanba ama Strategy-daeena aad ku cusubtahay, marka u horeysa nidaamkaan ku tijaabi account demo ah ama ay lacag yar oo aad ka maarimi karto ay ku jirto, 10 trade waxaa dhici karta in aad hal ama laba asbuuc ku heshidpray_tone4
Khatar ka weyn ma jirto in adiga oo aan tijaabo tan oo kale ah aan marin in aad Lacag real ah suuqaan lasoo gashid hadhoow markaa khasaartidna meel lagaa haysto aad garan waydid100

Comments
Post a Comment