Wax-akhriska: Fahamkiisa iyo Faa’iidadiisa | 2022


 


Wax-akhriska: Fahamkiisa iyo Faa’iidadiisa
Mahad oo dhan dhammaanteed Allaah (SWT) ayey u sugnaatay, kaasooo xaqiiqdii maamula koonkan, islamarkaasna, soo dejiyey kitaabka furqaan, ummadda si xaqqa iyo baadilka loogu cadeeyo, kaasoo jannada iyo naarta ay gacantiisa kujirto; naxariis iyo nebedgelyo korkiisa ha noqoto suubanaheena, kaasoo uusan jirin nebi iyo rasuul ka dambeeya, hogaamiyaha ruuxiga ee Muslimiinta, waxey mahad u sugnaatay Muslimiinta, dowladdiii Islaamka 50 sanno gudaheed ku faafiyey arligan, unkayna taariikh iyo xadaarad, daraasadeeda iyo duruusteedaba, casrigan la joogo lagu daraasadeeyo jaamacaadka iyo masaajida.
Maqaalka maanteena, waa mid sikooban uga hadli-doona wax-aqriska: Fahamkeeda iyo Faa’iidadeeda, runtii waa daraasad kooban oo baahideeda iyo wax ka odhaah-deeda xilligan taagantahay, si kooban, waxaan isugu dayi-doonaa inaan ka hadlo, ahmiyada wax-aqriska u leedahay doorka mujtamaca ee dhaqan-dhaqaale, xadaarad, aydiyoolajiyad iyo falsafo. Waxaa kaloo mudan, in soo koobid lagu sameeyo qaababka iyo siyaalaha kala duwan ee haboon, shaqsigu wax-aqrin u sameyn-karo.
Sida macruufka ah in badan oo dunida maanta, waxyaalaha bulshooyinka iyo dowladuhu ku kala tageen (ku kala hormareen) waxaa kamida aqriska, beryihii u dambeeyay waxaa soo baxday qaaciido odhaneysa: “Ummadi ummaday ka aqris badantahay, ka aqoon iyo ilbaxnimo badan/dheer”” qaaciidadan, sanawaadkii u dambeeyey waxaa lagu qorayey kutubta taariikhda iyo adabka *Suugaanta*, sida: (Foundation of Society developments, by Dr. Mahir Koqisl). Anigu waxaan aaminsanahay mid taas ka ag-dhaw, “Wax-aqrisku waa awoodda caqliga iyo xirfadda geesinimada ee maanta, hadaad tahay ruux aqriskiisu badanyahey, waxaad heysataa awoodda caqliga ee aad ku hormarin-karto farsamadaada dhanka afkaaraha iyo sameynta barnaamijyada, sidoo kale, waxaad tahay geesi ka midha-dhalinkara halganka uu ku jiro iyo dib-u-maareynta noloshaada guud iyo gaarba”.
Haddaba, waxeynu kelmadahaas ka fahmi-karnaa in aqrisku yahey awood qarsoon ee caalamka maanta la joogo, leysugu faano. Inbadan oo qorayaasha reer-galbeedka kamida, waxey si adag u aaminsanyihiin in awoodda keliya ee maanta dunidu ku tartami karto, aqirska keliya tahey, sidaas owgeedna, muhiimad gaara tahey in la siiyo sidii loo sameyn-lahaa, barnaamijyo ummadda lagu dhiiri-gelinayo, hababka iyo siyaalaha fudud ee aqriska nafta loo bari karo. Gunaanadka dooda qoraayaashu waxey tahay, awoodda qalinka iyo qoriga, maanta shaki kuma jiro, qalinku waa xirfad gaara oo dadyow gaara isticmaalaan, bulshadana lagu khaldi-karo, waxey la mid tahay, aqriska iyo fadhi-kudirirka, qof walba intuu aqriyo waa awood ka maqan ruuxan kale.
Hadaan taariikhda milicsi kooban ku sameeyo, habab kala duwan oo gumeysiya ayaa dunida soo maray, habkii u dambeeyay wuxuu ahaa *Divide And Rule* macnaheedu tahay *Kala Qeybi oo Xukun*, qorshahaasi wuxuu ku dhisnaa awood military oo imaaneysay kagadaal marka bulshada deegaanka degan la qeybiyo, laakiinse, habka maanta ee gumeysiga cusub, waa ka gedisanyahey 100% habkii hore, waana gumeysiga-maskaxda, caalamka maanta waxaa kajira nadaamka loo yaqaan “New World Order” macnaheeduna tahay “Hanaanka Cusub Ee Dunida”, sidoo kale, *Globalization* macnaheedu tahey *Caalamiyeynta*, waa shirqoolka siyaasadeed ee cusub ee gumeysiga cusub ee dunida casrigan.
Labadii quwadood ee Nato iyo Sovietka, markay ku kala badin-kari waayeen awoodda caskariga, waxey u janjeersadeen dhanka cilmiga maadiga guud ahaan, culuumta kombiyuutarka gaar ahaan , *Information Communication Technology (ICT)*, Mareynkanku, si xariiftinimo iyo qunyar socodnimo, waxey ka guuleysteen quwadaas (Sovietka). Haddaba, maanta labada quwadood ee loolanku ka dhaxeeyo, Muslimiin iyo Nato weeye, xaqiiqdaasi dad badan ayey ka qarsoontahay, laakiin, maaha mid la qarin-karo, sida dayaxa ayay u muuqataa.
Gumeysiga cusub ee dunida waxaa lagu tartamaa, shan-maado: (1) Awoodda dhaqaalaha (2) Awoodda Siyaasadda (3) Awoodda fekerka (4) Awoodda IT-ga (5) Iyo Awoodda Wax-aqriska. Haddaba, si dowlad iyo bulsho waliba u xaqiijiso doorkeeda gumeysi iyo kaalinteeda sareynta qaanuunka, waa iney dejisaa barnaamijyo iyo khudad lagu dhiirigelinayo dhalinta soo koreysa, tacliinta iyo aqriska. Sidaas owgeed, waxeynu halkaas ka fahmeynaa ahmiyada weyn ee dunida dowladahan iyo bulshooyinkuba aqriska u tixgelinayaan, kaalin weyna ka geliyeen barnaamijyadooda mustaqbalka, una sameeyeen xayeysiimo iyo fan lagu taabagelinayo dhameystirka iyo najaxaada mashruucan adag.
Bulshada Soomaaliyeed ee ka maqan miidaanka loolanka bulshooyinka caalamka, awood siyaasadeed, dhaqaale iyo fekerba ku laheyn mandaqada geeska afrika gaar ahaan, caalamka carabta iyo afrika guud ahaanba, waa mid kamida masiibooyinka kuwooda ugu waaweyn ee ummadani la daalaa-dhaceyso, kana reebay asaagooda, kana dhigay mid qabiil, qaad, aqris la’aan iyo qaladaad badan u saaxiiba.
Si kooban ahmiyadda wax-aqriska, qodoban hoose ayaan kusoo koobi-karaa: _
Aqrisku: Wuxuu nooleeyaa islamarkaasna kor u qaadaa awoodda garashada, macrifada, xiska iyo dareen-celiska.
Aqrisku: Waa maado nololeysa ruuxda, la dagaalantana jahliga, cudurada iyo caadifada.
Aqisku: Waa mid kamida wasaa’isha kala duwan ee maana bulsho/dowlad hormar ku gaadhi-karto, noqon-kartana mid kamida kuwa haatan dunida uugu awoodda badan.
Aqrisku: Waa siyaalaha ugu farshaxanimada badan ee ruux ku cilmiyeyn-karo soo tabinta afkaarta madaxiisa gadashiisa ku duugan, haddana, isku dayi-karo inuu qadiyad walba daliil u helo, aragti walibana dood u helo, falsafad walibana xikmad-gaamurta u helo.
Aqrisku: Waa dariiqa ugu dhow ee ruux bani-aadam ahi ku dhisi-karo shaqsiyadiisa, ku hormarin-karo shaqadiisa, ku ilbaxnin karo dhaqankiisa, ku difaaci karo naftiisa, ku maal-dalbi karo goortuu doono.
Shantaas qodob ee kore, waxaan si kooban ugu soo khulaaseeyey ahmiyada/faa’iidada wax-aqriska, shantaas qodob waxaan kusoo gunaanadey 21 qodob oo loo sababeeyo, faa’idooyinka ama waxtarka ugu weyn ee wax-aqrisku leeyahay. Sidaas owgeed, waxaan si fudud u fahmi-karnaa hadda, dheefta weyn ee shaqsiga ugu jirta inuu maanta bilaabo siduu manhajkiisa ugu darsan-lahaa, wakhti-jadwaleed uu ku daraasadeyn karo khibradaha qoran, aqoonta duugan iyo afkaaraha cilmiyeysan ee kutubta ku dawinan.
Mustaqbalka umamka marka la daraasadeynayo, si guudna loo qiimeynayo heerka nololeed ee mustaqbalka 50sanno kadib, bulshadaasi, waxaa la eegaa dhalinta wakhtigaas, qaabka: (1) Cilmigooda (2) Dhaqankooda (3) Xadaaradooda (4)Tarankooda (5) iyo Aqriskooda. Sidaas owgeed, waxaan dhihi-karaa “ Bulsho walba oo dhalinteedu bulshada kale ka aqris badato, macnaheedu waa iney ka leedahay guusha iyo xaqiijinta doorka hogaamineed ee mustaqbalka adduunyada”.
Waxaan aad iyo aad uga xumahay bulshada aan kasoo jeedo (Soomaalida) iyo siday shantaas maado uuga liidato, dhalinyarteedu maahan kuwo u tarbiyeysan la baratanka dhigooda caalamka iyo waliba ka dheerayntooda. Hadaad eegto dhanka cilmiga, inyaroo waxbaratay maahanee, badidoodu juhaal weeye, dhaqan hasheegin, aad beyna u yartahay 23-kii sanno ee dambe dhalinta dhaqankooda taqaan, kuna dhaqanta, sidoo kale, xadaaradoodu ma waasacsana, aqriskuna waa ku yaryahay, haddaba maxaad sugi??? Jawaabta: “Waa iney ka dib-dhacdo loolanka xadaaradeed, dhaqan iyo diimeed ee dunida casrigan, noqotana mid aan la qabsan Karin nolosha qarnigan 21aad iyo waliba ku noolaanshaha koonkan wakhti badan”.
Dhalinyaro tiro ahaan aan sidaas u badneyn ayaa wax aqriya, kuwo badana waa laga yaabaa iney danaynayaan bilowga nolosha wax-aqriska, dhibaatadu waxey ka bilaabmi/unkami sidee iyo habkee ayaa wax loo aqriyaa, ma sidii iyo hanaankii la doono, mise qaab cilmiyeysan oo shuruud iyo manhaj leh baa jira??? Su’aalahan xaqiiqdii waa mid gilgisha dhalinta jecel noloshan cusub (Wax-aqriska) bilaabideeda, sidaas owgeed, muhiim bay tahay inaan wax ka tilmaamno manhajka ugu wanaagsan ee qofku wakhti iyo dadaal ku bixin karo aqris, haddana, cilmigii iyo xogtiiba uu ku dawinan karo qalbiga iyo xusuusta maskaxda,
Qodobadan iyo shuruudan tixgeli: Aqriskaagu wuu guuleysan-doonaa, Inshaa-allaah: _
Qodobka Kowaad: Niyadaada ka dhaadhici inaad diyaar u tahay aqrinta maado kugu cusub ama duugooday ama aad xasuusato.
Qodobka Labaad: Allaah (SWT) dartiis u akhri *Ikhlaas*, kana dhig aragtidaada inaad cilmi iyo macluumaad ka kororsaneyso, intaadan bilaabinna, isku day inaad akhrisato dhowr aayadood, axaadiith iyo ducooyin.
Qodobka Saddexaad: Wax-aqriska ka bilow buugaagta safaxaadkoodu aanay badneyn, cilmiga ku qorana aanay adkeyn, sida: Buugaaga sheekooyinka, maaweelada caruurta iyo kuwa jaceylada.
Qodobka Afraad: Dabadeed maskaxdaadu waxey yeelaneysaa tartiib-tartiib, awooodda iney wax aqrin karto, dabadeedna ilaalin karto xogtaas.
Qodobka Shanaad: markaad wax aqriyeyso ku dadaal in nafsadaadu ay dhisantahay, faraxsantahay, fir-fircoontahay, meesha/makaanka aad ku akhriyi ka dhig mid nabdoon, degan, xasilooni iyo aamusnaaan badani ka jirto.
Qodobka Lixaad: Soo qaado *Notebook*, meel walba oo muhiima calaamadeyso, safxad/bog walba ood aqrisay, isku day inaad ku soo celinkarto ka xifdi ahaan, dabadeedna isku day tartiib inaad soo koobi karto nuxurka ku duugan..
Qodobka Todobaad: Awoodda xifdiga iyo fahamku marka hore waa *mowhibah* (Waa lagu dhashaa) laakiin dhaqan-gelin badan *More Practical* iyo joogteyn badan *More Sustainability* ayey u baahantahay; waxaana jira qawaacid loogu asteeyo xifdiga iyo kor u qaadisteeda, sidoo kale fahamka laftigiisu qawaacid lagu kordhiyo ayuu leeyahey, gadaal ayaan maqaalo kaga faaloon-doonaa, inshaa-allaah.
Qodobka Sideedaad: Waxaad gaadhay awoodda inaad sameyn-karo lafagurid *Anaylsis*, adigoo buugii aad aqriday xifdisan waxa ku dhex-qoran, haddana fahamsan nuxurka qodob iyo aragti walba, dabadeed waad ka hadli-kartaa khaladaadka kujira buuga dhexdiisa iyo waliba qoraagu gefafkiisaba, yacni waad taxliilinkartaa macluumaadka buuga ku xusan adigoo si akaadeemiya oo cilmiyeysan uuga faaloonaya.
Waxaynu kusii dhowaaneynaa dulucda maqaalka, aragti doodeeda leh ayaa mudan inaan soo bandhigo, murti ayaa tidhaahda “ Markastoo aqriskaagu bato, waa markastoo garashadaadu badato” aragtidaas dood kama taagna wayna saxantahay, aniguna sidaas ayaan qabaa, aragti kale “Wax badan oo aad akhridaa, waa waxbadan oo aad taqaano” *The more you read, the more you know* muran farabadan ayaa ka taagan, murti kale oo cagsigeeda ah ayaa jirta, “Inbadan oo aad akhridaa, inbadan oo taqaan maahan”, haddaba, sidee labadaas nadariyo ama murti leysku waafajin karaa???
Jawaabta 1aad: Hadii aad wax aqrido, aqriskaaguna shuruudii aan soo dhignay xaqiijiyey, islamarkaana nuxurkii iyo xikmadii qoraalka kujireyna fahamtay, markaas waxaan dhihi-karnaa, “Waxbadan oo aad aqridaa, waa waxbadan oo aad taqaano” maxaa yeelay, aqiskaagu faashil manoqon, labo sababood awgeed: (1) Aqriska shuruudiisii wuu oofsaday (2) kitaabka aad aqridey, nuxurka cilmiyeed iyo xikmada waayo-aragnimo ee ku duugan si wanaagsan ayaad u dhuuxday, fahamtay. Sidaas owgeed, waxbadan baad akhriday, waxbadana waad kororsatay.
Jawaabta 2aad. Hadii aad wax aqrido, aqriskaaguna shuruudii aan soo dhignay uusan xaqiijin, islamarkaassna nuxurkii iyo xikamkii qoraalka kujireyna aadan fahmin, markaas waxaan dhihi-karnaa “Waxbadan oo aad aqridaa, waxbadan oo taqaano maahan”, maxaa yeelay, aqriskaagu faashil ayuu noqday, labo sababood owgeed: (1) Aqriska shuruudiisii muusan oofsan (2) Kitaabka aad aqrideyna, nuxurka cilmiyeed iyo xikmada waayo-aragnimo ee ku duugan si wanaagsan maadan u dhuuxin, fahmin. Sidaas owgeed, “inbadan oo aad akhridaa, inbadan oo taqaan maahan”.
Waxaan u maleynayaa inaan si cilmiyeysan ishkaalkaas/mushkiladaas u samata-bixiyey, dhalinyartu si wanaagsan u kala fahmeen furuuqda labadaad nadariyo ama murtiyo u dhaxaysa, waxaan dhalinyarta ku baraarujin lahaa iney aqriska shuruudiisa ilaaliyaan, haddii mid kamida shuruudaas la waayo, waxbadan oo kuu qabsoomi lahaa ayaan hagaagsaneyn, sidaas owgeed, aqriste, isku day inaad had iyo jeer naftaada saddex-waxyaalood barto: (1) Shuruudaas il-tizaamkooda (2) Daalacashada (3) Iyo Fadhi-Xasilka, yacni dhalinyarta qaar baa kitaabka ay doonayaan aqriskiisa, 5 daqiido kabadan aqriyi Karin, aadna moodaa inay wax cun-cunayaan,
Gebagebo: waxaan dhalinta Soomaaliyeed ugu baaqayaa iney ku dadaalaan barashada cilmiga, barashada qawaacida iyo usuusha iyo waliba wasaa’isha cilmiga lagu xasiliyo, sidoo kale, waxaan si adag ugu boorinayaa iney manhajka noloshooda, wax-aqriska ku daraan, noqdaan kuwo macluumaad iyo xogag badan xifdisan, fahamsan, keydiyey. Waxaan intaas sii raacinayaa, dhalinyaro, fahma in nolosha oo aad ka dhacdaa qeyb ka tahay fashilka bulshada aad jiritaankeeda kamid tahay, kuna abtirsaneyso.
Aqrisku waa awoodda keliya ama ugu wanaagsan ee aad kula dagaalami-karto cadowgaaga: (Sheydaanka, gaalada, nafta iyo jahliga), sidoo kale waa imkaaniyadda ugu haboon eed ku dhisi karto (Shaqsiyaddaada, shaqadaada iyo sharaftaada). Haddaba, waajibkaagu waa inaad kala doorataa qoriga iyo qalinka, qabiilka iyo qaranka, aqriska iyo fadhi-kudirirka, taladayda iyo baaqaygu wuxuu yahey: Waar aqooni la’aani waa ifitiin la’aan, aqris la’aana waa xog la’aan” Odhaahdaas: Mohamed Samiik.
Dhammaad
W/Q: Mufakir & Ustaad:
Mohamed Abdirizak Saeed Elmi “SAMIIK

Comments

Popular posts from this blog

Faa'iidooyinka Caafimaad Ee Ku Duugan #Basasha