W/q : Maxamed Axmed Haybe
1 shay oo wax badan kaaga sheegi doona dadka kale!
1. Dadka had iyo jeer si xun uga hadla naftooda iyo dadka kale; kuwaasi badanaa waxa ay raadinayaan ansixin!
Ansixin la'aanta dadka ku xeersan, waxa ay dareemaan kalsooni la'aan iyo qiimo la'aan, taasi waa ta keenaysa in naftooda ka hadlaan iyo iyaga kor isku qaadaya. Intaa waxa ay caddeyn uga dhigayaan iney qiimo leeyihiin oo ay yihiin dad balo ka dhacdey. Iney yihiin dad muhiima. Waxa ay sugayaan in dadka ka ag dhawi ansixiyaan amma ansixin waayaan!
Kuwa kalena waa kuwo dadka kale si aan qummaneyn uga hadla. Waxa ay saaraan dhaliil aanu qofku lahayn. Waxa ay isku dayaan iney xurmadda ka qaadaan. Waa kuwo lagu yaqaan xanta iyo xagxagashada dadka kale.
Labadan qolo ba, waxa ay caan ku yihiin kalsooni hooseysa, farxad yari iyo qiimo la'aan, marka ay kalida yihiin. Waxaasi oo dhammina uma soo noqdaan ilaa iyo dadka ku xeersani oggolaanayaan! Iyaga waxa ay ugu dhan tahay in la yidhaa: hebel/heblaayo waa qof heer sare ah! Waa kuwo iska gedda dad kale.
2. Dadka had iyo jeer ka hadla dhibaatooyinkooda.
Dadkan waxaa laga baranayaa, iney xilgudashadu ku yar tahay. Waxa ay caan ku yihiin warwarka iyo walbahaarka. Waa kuwo aan hubin naftooda. Waxa ay raadiyaan wadada xalka. Qof kale ayuun bey ka sugaan, inuu arrintooda furdaamiyo. Dadkani waxa ay u badan yihiin, iney noqdaan dameeri dhaan raacdey!
Dadkani waxa laqabatimaan rayiga maskaxaha dadka kalsoonida leh ee ku xeersan. Waxa loo sheegaa ha samaado amma yuuna samaanin bee; iyaga waxa ugu dhan tahay hadalkaa dadka kale oo ay farxad ka qaadaan. Talada la siiyo iskama eegaan mana rogrogaan; haddey doonto waxa ay noqotaa ba, tuu ku jabi lahaa!
Akhriste, adigu wali ma aragtey dadka dabeecaddahan leh?
Qoraa, Maxamed Haybe Axmed.
Comments
Post a Comment