Posts

MarjaanTube

Beryihii u horreysay ee aqoonta kombiyuutarka adduunku ay gaadhay in la sameeyo Aadame-u-eke shaqooyinka dadka qaarkood loo diri karo, waxaa caan noqday hadal ay saynisyahannada qaar yidhaahdeen oo ahaa, “Robot ka dadka abuuray, laakiin ugu dambayn isagaa gumaysan doona” Ma filaysaa in taasi ay dhici karto, in la gaadho waqti kombiyuutarro aadamuhu sameeyey ay awood u yeeshaan in ay iyagu is maamulaan, is cillad saaraan, is abuuraan, shaqooyinkoodana qabsadaan iyaga oo mararka qaarkood ka dhega adaygaya amarrada aadamaha? Su’aashan jawaabteeda waqti badan ha ku lumin ee bal hadda si dhugmo leh u akhri qisadan xiisaha badan. Injineer Blake Lemoine ka tirsan qaybta sancaynta garaadka samayska ah ee shirkadda ‘Google’, ayaa shaaciyey mid ka mid ah mishiinnada leh garaadka samayska ah (Artificial Intelligence) ee shirkaddu, in uu iskii u yeeshay xis / dareen garasho oo ka aadamaha oo kale ah. Mishiinkan leh garaadka samayska ah oo shaqadiisu tahay qaybta afafka, gaar ahaan ka jawaabista su...

Maxaadka ka ogyahay faa iidayinka caafimad ee Yaanyada(tomato)

================================ Yaanyada (Solanum lycopersicum) waa miro ka yimid qoyska nightshade kanaso jeeda Koonfurta Ameerika.  Inkasta oo ay dhir ahaan tahay midho, guud ahaan waa la cunaa oo waxa loo diyaariyaa sida khudradda oo kale. Yaanyada ayaa ah isha ugu weyn ee cuntada laga helo lycopene-ka-antioxidant, taas oo lala xiriiriyay faa'iidooyin caafimaad oo badan, oo ay ku jiraan hoos u dhigista halista cudurrada wadnaha iyo kansarka. Waxay sidoo kale yihiin il weyn oo fiitamiin C, potassium, folate, iyo fiitamiin K.  Caadi ahaan casaanka waa marka ay bislato ama qaangaaraan, yaanyada sidoo kale waxay ku iman karaan midabyo kala duwan, oo ay ku jiraan jaalle, oranji, cagaar, iyo guduud.  Waxaa intaa dheer, noocyo badan oo yaanyo ah ayaa jira oo leh qaabab iyo dhadhan kala duwan Xaqiiqooyinka nafaqo Biyaha ku jira yaanyada waa qiyaastii 95%.  5% kale waxay ka kooban yihiin karbohaydraytyo iyo fiber.  Waa kuwan nafaqooyinka ku jira yaanyo ceeriinka ah (...

Sheeko Xikmad wayn Xambaarsan

Image
Xariif Sabsable ah oo lacag haysta ayaa wuxuu sun mariyay lacag uu rabay inay ku dhintaan dad masaakiin ah, kadibna wuu ku tabarrucay lacagtii sunta lahayd.  Maalinkii ku xigtay waxaa dhintay Duqii magalada, 30 xubnood oo barlamaanka ka mid ah, laba wasiir, saddex maamule iyo xaaskii uu qabay maamulihii ururrada samafalka. Hal qof oo ka mid ah dadkii saboolka ahaay waxba ma gaarin!
Berigii telefoonada guryaha la isku nasiibin jiray ee la iska baran jiray ayaa wiil reer Hargeysa ah wuxuu telefoonka ka bartay gabadh reerkoodu aad u ilaaliyo oo aan inta badan loo ogolayn inay banaanka u baxdo. Dhawr todobaad markay wada hadlayeen ayuu ka codsaday inay kulmaan si ay isu weji bartaan hase ahaatee waxay u sheegtay in aanay kulmi karin maadaama aad loo ilaaliyo. Dhawr bilood oo dambe markii ay wada hadlayeen iyagoon is arag ee uu ku wareeriyey inay kulmaan ayey habeenkii dambe kula balantay kaabad u dhaweyd gurigooda. Markuu xoogaa taagnaa goobtii balanta ayaa waxaa u timid gabadh yar oo bac madaw dhar ku wada. "Ma Samatar baa?" ayey weydiisay iyadoo baqaysa. Isagoo ka yaabban gabadhan la hadlaysa ee aan lahayn tilmaamihii ay siisay gabadhii uu la balansanaa ayuu ku jawaabay "Haa walaal waa Samatar, waa tuma?" "Huuno waxaan ahay Ismahaan ina-abtideed, iyadaa ii kaa soo dirtay oo igu tidhi soo kaxee, waxayna ii soo dhiibtay dirac iyo xijaab iyo k...

Ilham Aliev

Image
Madaxweynaha Azerbejaan Ilham Aliyev ayaa Warbaahinta Reer galbeedku marar badan oo ay waraysteen waxay ku eedeeyeen in wadankiisa Xoriyaul qowl ka jirin ,dadkana aan loo ogolayn inay si xor u ah u hadlaaan. Madaxweyne aliyev isaguna mar kasta wuxuu markasta tusaale usoo qaadan jirey ninkii fashilay Sirtii maraykanka ahna aasaasihii WikiLeaks,wuxuuna marar badan ku jawaabay sidan.  " Mee Julian assange ? Hadii Galbeedka Xoriyad hadal ka jiro maxay maraykanku u baacsanayaan Julian asange oo ay u doonayaan in loo soo gacan geliyo ,sababtoo ah isagu wax uu dhibsaday ayuu ka hadlay,haday run idinka tahay Xoriyad hadal ninkaas faraha ka qaada,ileen wuu hadlay keliyee " Wasiirka Arrimaha Gudaha Britain ayaa maanta saxiixay in Julian assange asaasihii WikiLeaks loo gacan geliyo maraykanka,waxaana la geyn doonaa Virginia si uu u wajaho eedaymo basaasnimo taasoo keeni karta in lagu xukumo xabsi gaaraya 175 sano . Xaaska Julian assange oo la yiraahdo Stella ayaa sheegtay in n...

Sheeko Xiiso leh | Sheekooyinka jimcaha

Image
Haweeney ayaa suuqa geysay gaadhi mercedes ah oo cusub, qiimaha ay rabto inay gaariga ku iibisana waa 1$ oo keliya. Dadkii suuqa joogay badankoodu way iska indhatireen iyagoo u maleeya inay kaftan ka tahay. Oday ayaa ku soo leexday oo gaarigii damcay inuu iibsado, wuxuu ka codsaday inay qiimaha ugu dambeeya u sheegto, Waxay tiri "waa sidaad maqashay 1$ oo keliya ayaa ku iibinayaa gaariga!" Halkii dollar ayuu siiyey iyadiina waxay ku wareejisay furihii gaariga. Intuusan dhaqaaqin ayuu weydiiyey waxa ku kallifay inay gaarigan cusub hal dollar ku iibiso? Waxay tiri: "waxaan fulinaayey dardaaranka ninkeygii geeriyooday!"  Oo sidee ah ayuu haddana weydiiyey. Waxay tiri: " Ninkeyga ayaa wuxuu qabay xaas qarsoodi ah, markuu dhimanaayey hantidiiisa oo dhan aniga ayuu ii saxiixay, marka laga reebo gaarigan oo uu u dardaarmay in la iibiyo lacagta laga helana la siiyo heblaayo oo uu qarsoodiga ku qabay! Sidaas darteed halkaan dollar ayaan rabaa inaan iyada siiyo...

W/q : Maxamed Axmed Haybe

1 shay oo wax badan kaaga sheegi doona dadka kale! 1. Dadka had iyo jeer si xun uga hadla naftooda iyo dadka kale; kuwaasi badanaa waxa ay raadinayaan ansixin! Ansixin la'aanta dadka ku xeersan, waxa ay dareemaan kalsooni la'aan iyo qiimo la'aan, taasi waa ta keenaysa in naftooda ka hadlaan iyo iyaga kor isku qaadaya. Intaa waxa ay caddeyn uga dhigayaan iney qiimo leeyihiin oo ay yihiin dad balo ka dhacdey. Iney yihiin dad muhiima. Waxa ay sugayaan in dadka ka ag dhawi ansixiyaan amma ansixin waayaan! Kuwa kalena waa kuwo dadka kale si aan qummaneyn uga hadla. Waxa ay saaraan dhaliil aanu qofku lahayn. Waxa ay isku dayaan iney xurmadda ka qaadaan. Waa kuwo lagu yaqaan xanta iyo xagxagashada dadka kale. Labadan qolo ba, waxa ay caan ku yihiin kalsooni hooseysa, farxad yari iyo qiimo la'aan, marka ay kalida yihiin. Waxaasi oo dhammina uma soo noqdaan ilaa iyo dadka ku xeersani oggolaanayaan! Iyaga waxa ay ugu dhan tahay in la yidhaa: hebel/heblaayo waa qof heer sare ah! ...