MarjaanTube
Beryihii u horreysay ee aqoonta kombiyuutarka adduunku ay gaadhay in la sameeyo Aadame-u-eke shaqooyinka dadka qaarkood loo diri karo, waxaa caan noqday hadal ay saynisyahannada qaar yidhaahdeen oo ahaa, “Robot ka dadka abuuray, laakiin ugu dambayn isagaa gumaysan doona” Ma filaysaa in taasi ay dhici karto, in la gaadho waqti kombiyuutarro aadamuhu sameeyey ay awood u yeeshaan in ay iyagu is maamulaan, is cillad saaraan, is abuuraan, shaqooyinkoodana qabsadaan iyaga oo mararka qaarkood ka dhega adaygaya amarrada aadamaha? Su’aashan jawaabteeda waqti badan ha ku lumin ee bal hadda si dhugmo leh u akhri qisadan xiisaha badan. Injineer Blake Lemoine ka tirsan qaybta sancaynta garaadka samayska ah ee shirkadda ‘Google’, ayaa shaaciyey mid ka mid ah mishiinnada leh garaadka samayska ah (Artificial Intelligence) ee shirkaddu, in uu iskii u yeeshay xis / dareen garasho oo ka aadamaha oo kale ah. Mishiinkan leh garaadka samayska ah oo shaqadiisu tahay qaybta afafka, gaar ahaan ka jawaabista su...